Muqdisho: weerar lagu soo qaadey Wasaaradda Waxbarashada

Image

April 14, 2015 (GO)- Dabley hubeysan oo la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayaa weerar kusoo qaadey dhismaha Wasaaradda Waxbarashada ee magaalada Muqdisho.

Dableyda oo ka kooban dhowr nin waxaa u suurtagashay inay gudaha u galaan dhismaha xarunta Wasaaradda.

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha, waxaana lagu soo warramayaa in xilligii weerarku dhacayey ay xarunta joogeen mas'uuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Waxbarashada iyo badi shaqaalaha goobtaas ka hawlgala.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya saddex todobaad kadib markii Al-shabaab weerar khasaare badan dhaliyey kusoo qaaddey hoteelka Maka Al Mukarrama ee magaalda Muqdisho.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM