MUQDISHU: Askartii gadooday oo dib loogu celiyay Saldhigyadooda

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa galabta lagu guuleystay in ciidamadii gadoodka sameeyey dib loogu celiyo fariisamahooda, kadib markii ay la kulmeen Taliyaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia.

Mid kamid ah Askarta, oo la hadlay GO ayaa sheegay in lagu qanciyay in la siinayo lacagta mushaarka ee ka maqan, taasi oo la sheegay inay musuqu-maasuqeen Taliyaasha hoose ee ciidamada Militariga DFS.

Dowladda ayuu sheegay inay bixisay mushaarka 6 bilood, balse iyaga la siiyay labo bilood oo kaliya, halka afarta kalena ay ku dhaceen jeebka Taliyaashii loogu soo dhiibay, kuwaasi oo magacyadooda la sheegin.

Ciidamada gadooday, oo aad u hubaysanaa, ayaa xiray duhurkii, dhamaan wadooyinka gala wasaaradda difaaca, waxayna hakiyeen isku-socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadada weyn ee Warshadaha.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horey u balan-qaadey markii la doortey kadib in dowladdiisa ay ahmiyadda kowaad siinayso bixinta mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada qaranka.

Bishii Maarso ee sanadkan, ayay sidan oo kale ciidamo katirsan Militariga waxay xireen wadada Makka Al Mukarama ee Muqdishu, iyagoo ka cabanaya mushaar la'aan, balse dowladda ayaa markii dambe xalisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM