MUQDISHU: Askartii gadooday oo dib loogu celiyay Saldhigyadooda

Image

MUQDISHU, Somalia - Waxaa galabta lagu guuleystay in ciidamadii gadoodka sameeyey dib loogu celiyo fariisamahooda, kadib markii ay la kulmeen Taliyaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia.

Mid kamid ah Askarta, oo la hadlay GO ayaa sheegay in lagu qanciyay in la siinayo lacagta mushaarka ee ka maqan, taasi oo la sheegay inay musuqu-maasuqeen Taliyaasha hoose ee ciidamada Militariga DFS.

Dowladda ayuu sheegay inay bixisay mushaarka 6 bilood, balse iyaga la siiyay labo bilood oo kaliya, halka afarta kalena ay ku dhaceen jeebka Taliyaashii loogu soo dhiibay, kuwaasi oo magacyadooda la sheegin.

Ciidamada gadooday, oo aad u hubaysanaa, ayaa xiray duhurkii, dhamaan wadooyinka gala wasaaradda difaaca, waxayna hakiyeen isku-socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadada weyn ee Warshadaha.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa horey u balan-qaadey markii la doortey kadib in dowladdiisa ay ahmiyadda kowaad siinayso bixinta mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada qaranka.

Bishii Maarso ee sanadkan, ayay sidan oo kale ciidamo katirsan Militariga waxay xireen wadada Makka Al Mukarama ee Muqdishu, iyagoo ka cabanaya mushaar la'aan, balse dowladda ayaa markii dambe xalisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM