Muqdishu: Dad u dibad-baxay xuquuqda gobolka Banaadir
MUQDISHU- Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ka qayb galay dibad-bax qorshaynaa oo looga hadlayay xuquuqda gobolkaasi ku leeyahay siyaasadda gaar ahaan aqalka sare ee dhawaan la dhisi doono.
Dad isu soobaxay ayaa watay boorar lagu muujiyay erayo ay ka mid ahaayee ; "Waxaan u taaganahay xuquuqdii gobolka Banaadir, Banaadir diide doonimayno, Xamar xurmay mudantahay" iyo Ereyo kale oo shacabku afka uga dhawaaqayeen.
Mas'uuliyiinta iyo shacabka dibad baxay ayaa lug kusoo maray fagaaraha Daljirka dahsoon ilaa xarunta Barlamanka Somalia oo shir looga hadlayo hanaan doorashada ka socday, waxayna dalbadeen inay helaan xaqa siyaasadeed ee ay ku leeyihiin dowladda Federalka Somalia.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu, Yusuf Xasan Jimcale, ayaa dalbaday in dowladda dhexe uga fadhiyaan xuquuqda siyaasadeed isagoo sheegay inuu wakiil ka yahay shacabka gobolka oo ku sheegay ina tiro ahaan gaarayaan Saddex Milyan.
Dhinaca kale mudane katirsan Barlamanka Somalia ayaa ayiday hadalka Jimcale, wuxuuna sheegay inay waajib tahay saaran mas'uuliyiinta dalka isagoo ugu baaqay in siman umadda loogu xaq qaybiyo.
Warsidaha GO oo raadiyay xaqiiqada ka dambaysa dibad baxan ayaa soo ogaaday inay tahay arrin laga soo shaqeeyay oo ku lug leeyahay madaxweynaha dalka Somalia, waxaana xogtu intaasi ku daraysaa in ujeedada ka dambaysa tahay muran la galiyo hanaankii dhawaan ay gaareen maamullada dalka iyo dowladda Federalka oo ilaa hadda horyaalla golaha Barlamanka.
Dhinaca kale waxaa lagu soo aadiyay xilli caasumadda Somalia maanta soo gaareen wufuud kasocota beesha caalamka iyo golaha ammaanka Qaramada Midoobay, kuwaasi oo Somalia u yimi inay madaxda kala hadlaan hanaanka doorashada 2016 iyo xaaladda guud ee waddanka.
GAROWEONLINE