​Muqdishu: Doollarka oo hoos u dhacay

Image

MUQDISHU, Somalia- Muqdishu iyo magaalooyinka kale ee dalka waxaa Labadii maalmood ee lasoo dhaafay laga dareemay hoo u dhac wayn oo ku yimid sarifka lacagaha Doolarka, iyo sare u kaca qiimaha shilinka Soomaaliga.

Tan ayaa ka dambaysay markii Malaayiin Doolar oo Murashaxiinta Laaluush ahaan u bixiyeen kusoo fatahmay Suuqyada, taasi oo keentay inu si deg deg ah Shilinka Soomaaliga sare ugu kaco qiimihii lagu sarrifi jiray.

Halka Doolar ($1) waxaa sarrifkiisu u dhaxeeya 16,000 ilaa 18,000 oo Shalinka Soomaaliga ah, iyadoo goobaha Ganacsiga qaar ayba diideen inay Doolar wax ku iibiyaan maadaama uusan lahayn sal fadhiya.

Is-badalkan ayaa saameeyay Nolosha dadka danta yarta ah oo sheegay in Ganacsatada aysan wax ka bedelin Qiimaha Maciishadaha kala duwan, sida raashiinka iyo Bagaashka oo wali meeshooda jooga.

Dadka ayaa sheegay inaysan isku-dheelo tirnayn Qiimaha Nolosha, maadaama Reerkii $3 maalintii ku adeegan jiran, oo maanta $6 ku adeeganayo, taasi oo ah Labo jibaar qiimhii hore, kana baqayaan sicir barar.

Kadib, Doorashada Madaxweynaha cusub Maxa'ed Cabdllaahi Farmaajo waxaa qiimo sare gaarey shilinka Soomaaliga, iyadoo safirka lacagaha qaalad uu hoos aaday, waxaana dadka ka codsadeen dowladda cusub inay wax ka qabato Sicir bararka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM