​Muqdishu- Ex Xildhibaan Bad-baado oo fuliyay weerarkii nawaaxiga Xalane

Image

MUQDISHU, Somalia- Qaraxyo xooggan oo shalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha caasumadda Somalia ee Aadan Cadde ayaa lagu waramayaa inuu fuliyay mas'uul hore oo katirsanaa xukuumadda madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ninkan oo ka mid noqday mudanayaasha Barlamanka ayaa lagu sheegay magaciisa Saalax Nuur Ismaaciil oo loo yaqaanay [Saalax Bad-baado] kaasoo ururka Al Shabaab kamid noqday sannadkii 2010 isagoo wixii waqtigaasi ka dambeeyay hadalkiisa laga maqal warbaahinta.

Balse, ururka Al Shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkaasi oo ay iyagu ka dambeeyeen waxayna sheegeen in ninka fuliyay kasoo mid noqday Golaha Shacabka Somaliyeed islamarkaana waxay baahiyeen cod ay ka duubeen ka hor qaraxyada.

57 jirkan ifka ubad uga tagay ayaa codka laga duubay ku sheegay inuu gadanayo waajib saaran isagoo fariin u diray dadka dhagaysanaya wuxuuna xusay inuu la dagaallamayo waxa uu ugu yeeray cadowga Islaamka.

Naftii halligahan ayaa golaha Barlamanka dowladihii kala duwanaa ee soo maray Somalia ka mid noqday sannadihii 2000 ilaa 2010-kii, isagoona lasoo shaqeeyay xukuumadihii TNG,  dowladdii  Cabdullaahi Yuusuf iyo xukuumaddii KMG-ka ee Shariif Sheekh Axmed.

Bad-baado ayaa la sheegay inuu ku dhashay deegaan lagu magacaaabo Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag sanadkii 1960-kii isagoo waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ku soo qaatay degmooyinka Shiikh iyo Ceerigaabo, ugu dambeyntiina Dugsiga sare kaga soo baxay magaalada Hargeysa ee Xarunta maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM