​Muqdishu- Ex Xildhibaan Bad-baado oo fuliyay weerarkii nawaaxiga Xalane

Image

MUQDISHU, Somalia- Qaraxyo xooggan oo shalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha caasumadda Somalia ee Aadan Cadde ayaa lagu waramayaa inuu fuliyay mas'uul hore oo katirsanaa xukuumadda madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ninkan oo ka mid noqday mudanayaasha Barlamanka ayaa lagu sheegay magaciisa Saalax Nuur Ismaaciil oo loo yaqaanay [Saalax Bad-baado] kaasoo ururka Al Shabaab kamid noqday sannadkii 2010 isagoo wixii waqtigaasi ka dambeeyay hadalkiisa laga maqal warbaahinta.

Balse, ururka Al Shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkaasi oo ay iyagu ka dambeeyeen waxayna sheegeen in ninka fuliyay kasoo mid noqday Golaha Shacabka Somaliyeed islamarkaana waxay baahiyeen cod ay ka duubeen ka hor qaraxyada.

57 jirkan ifka ubad uga tagay ayaa codka laga duubay ku sheegay inuu gadanayo waajib saaran isagoo fariin u diray dadka dhagaysanaya wuxuuna xusay inuu la dagaallamayo waxa uu ugu yeeray cadowga Islaamka.

Naftii halligahan ayaa golaha Barlamanka dowladihii kala duwanaa ee soo maray Somalia ka mid noqday sannadihii 2000 ilaa 2010-kii, isagoona lasoo shaqeeyay xukuumadihii TNG,  dowladdii  Cabdullaahi Yuusuf iyo xukuumaddii KMG-ka ee Shariif Sheekh Axmed.

Bad-baado ayaa la sheegay inuu ku dhashay deegaan lagu magacaaabo Gar-adag oo ka tirsan gobolka Sanaag sanadkii 1960-kii isagoo waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ku soo qaatay degmooyinka Shiikh iyo Ceerigaabo, ugu dambeyntiina Dugsiga sare kaga soo baxay magaalada Hargeysa ee Xarunta maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM