​Muqdishu: Faah faahin weerarka Hotel Naaso-hablood

Image

MUQISHU, Somalia- Rasas xooggan ayaa wali laga maqlayaa gudaha Hotelka Naaso-hablood magaalada Muqdishu, waxaana lagu soo waramayaa inay jiraan khasaaro naf iyo maalba leh oo aad u badan, iyadoo tirada dhimashada la sheegayo inay marayso in kabadan 12 ruux, halka dhaawaco uu aad u badanyahay in kastoo cusbitalka Madiina la gaarsiiyay 10 qof.

Mallayshiyaad lagu qiyaasay ilaa 4 ruux ayaa gudaha u gashay Hotelka Naaso-Hablood, waxaana goobta soo gaaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo hadda ku howlan soo afjaridda kooxahaasi.

Goob jooge ku sugan magaalada Muqdishu, ayaa GO u sheegay in la xiray gabi ahaan waddooyinka soo gala hotelka, waxaana weerarka barbar socda dab ka kacay Kaali Shidaal oo ku taallay nawaaxiga goobta la weeraray.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane oo lahadlay warbahinta dowladda ayaa sheegay in ciidmada NISA ay gudaha u galeen hoteelka, isagoo tilmaamay in si deg deg ah lagu soo afjari doono maleeshiyaadkaasi.

Xaaladda nawaaxiga KM4 ayaa kacsan waxaana gabi ahaan la xiray waddooyinka soo galay iyagoo la arkayo baabuurta gurmadka oo kala guraya dhaawacyada iyo maydadka daadsan hotelka nawaaxigiisa.

Khasaaraha ugu badan, waxaa dhaliyay qarax ka dhacay afaafka hore ee Hotelka sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal aan la xiriirnay.

01 Jun ayay ahayd markii sidaan oo kale loo weeraray hotel Ambasador ee magaalada Muqdishu, waxaana soo afjariddiisu qaatay in kabadan 12 saacadood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM