Muqdishu: Haweeney kamid ah ergadii dooratey Xildhibanaada DF oo la diley

Image

MUQDISHU, Somalia - Dabley hubaysan oo aan heebtooda la garanayn, ayaa habeenkii xalay ku dishay magalaada Muqdishu Haweenay ka tirsanayd Ergooyinkii doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee hadda shaqeeya.

Sida Goobjooge uu u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online, Haweenayda oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Cilmi Yuusf waxaa la dilay xilli ay wax ka iibsanaysay Goob Ganacsi oo ku taalla Xaafadda Seypiano.

Wararka ayaa sheegaya in Labo Nin oo Bastoolado ku hubaysan ay dilka fuliyeen, kuwaasi oo markiiba goobta ka baxsaday, kahor intasan aysan soo gaarin Ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi ka dhawaa.

Allah ha u naxariistee Xaliimo waxay kamid ahayd Ergadii Magaalada Cadaado kasoo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia, waxayna noqanaysaa Haweenaydii labaad  oo kamid ahaa Ergada, oo mudo 24 Saac gudaheed lagu dilo Muqdishu.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda Dilka Gabadhan, balse Al shabaab ayaa horey ugu hanjabtay inay dilayso dhamaan Ergada soo xushay Xildhibaanada.

Mudooyinkii dambe waxaa soo kordhayay Dilalka Ergooyinka, waxayna intooda badan ka dhaceen magaalada Muqdishu.

Dowladda waxay dhawaan shaacisay howlgal ay ugu magac-dartey "Xasilinta Caasumdda", kuwasoo Ciidamadii loo xil-saarey, oo isagu jira Nabad Sugid, Boolis iyo Military ay Hal mar howlgal sameeyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Soomaaliya oo La Wareegay Deegaano Muhiim ah oo Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Ciidamada ayaa sidoo kale nadiifiyay qaraxyo dhulka lagu aasay (miinooyin iyo waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay dhigeen).

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:18AM

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM