​MUQDISHU: Lix katirsanaa Al Shabaab ah xabsi daa’in lagu xukumay

Image

MUQDISHU, Somalia- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta xukun ku riday Lix nin oo lagu helay inay kamid ahaayeen Kooxda xiriirka la leh Al Qaeda ee Al Shabaab.

Guddoomiyaha Maxkamadda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunka, wuxuuna sheegay in raggan ay kamid ahaayeen Kooxda  Al shabaab, lagana soo qabtey deegaanada maamulka Galmudug.

Isagoo la hadlayay Saxaafadda Muqdishu, ayuu sheegay Shuute in raggan ay ku cadaatay dambiyeedyadii lagu soo eedeeyay, kadib Maxkamaddu ay go'aan ku qaadatay in lagu xukumo mid kasta xukun ciqaabtiisu gaarsiisantahay xabsi daa'in ah.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Lixda la xukumay ay kamid ahaayeen 41 Dagaalyahan oo katirsan Al shabaab, kuwaasi oo lagu qabtay Bishii Maarso deegaanada Af-barwaaqo, Dintoow iyo Towfiiq ee Bariga Mudug, kuwaasoo ay soo gudbisay maamulka Galmudug.

Dadka la xukumay, ayaa kala ah; Cabdullaahi Sheekh Xuseen Xassan (27 Jir), Maxamed Aden Khayr (30 Jir),  Ibraahim Xassan Isxaaq (38 Jir), Cumar Xassan Nuur (29 Jir), Maxamed Maxamuud Nor (34 Jir) iyo Maxamuud Macalin (30 Jir).

Maxakamadda waxay horey xukun uguu riday 35 kale, oo kamid ahaa kuwa maanta la xukumay.

Xabsiyada Muqdishu Maxaabiista ku xiran waxaa u badan dhalinyaro lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen ama katirsanaayeen Kooxda Al shabaab, oo dagaal kula jirta dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM