MUQDISHU: Mas'uul katirsan dowladda oo Dil ka badbaadey

Image

MUQDISHU, Somalia - Mas'uul sare oo katirsan dowladda hoose ee Muqdishu, ayaa maanta ka badnaadey isku day dil, kadib markii kooxo hubaysan ay ku weerareen degmada Dharkeenley, ee gobolka Banaadir. 

Mas'uulkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Afrax, islamarkaana ah Gudoomiye ku xigeenka degmada Dharkeenley dhanka arrimaha bulshada ayaa gaarigiisa lagu rasaaseeyay nawaaxiga Dabakaayo Madow.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Gudoomiye ku xigeenka oo ahaa nooca NOAH lagu hor-jarey Gaari kale oo ay wateen rag hubaysan, kuwaasi oo rasaas xooggan ku furey, taasi oo uu ku dhintay Darawalkiisa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo shacab ah.

Cabdullaahi Xasan Afra ayaan wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarkan la doonayay in lagu qaarijiyo, kaasi oo Saraakiisha maniga ay sheegeen in kuwii fuliyay goobta ka baxsadeen, balse lagu raad-joogo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM