MUQDISHU: Mas'uul katirsan dowladda oo Dil ka badbaadey

Image

MUQDISHU, Somalia - Mas'uul sare oo katirsan dowladda hoose ee Muqdishu, ayaa maanta ka badnaadey isku day dil, kadib markii kooxo hubaysan ay ku weerareen degmada Dharkeenley, ee gobolka Banaadir. 

Mas'uulkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xasan Afrax, islamarkaana ah Gudoomiye ku xigeenka degmada Dharkeenley dhanka arrimaha bulshada ayaa gaarigiisa lagu rasaaseeyay nawaaxiga Dabakaayo Madow.

Wararka ayaa sheegaya in Gaariga Gudoomiye ku xigeenka oo ahaa nooca NOAH lagu hor-jarey Gaari kale oo ay wateen rag hubaysan, kuwaasi oo rasaas xooggan ku furey, taasi oo uu ku dhintay Darawalkiisa, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo shacab ah.

Cabdullaahi Xasan Afra ayaan wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarkan la doonayay in lagu qaarijiyo, kaasi oo Saraakiisha maniga ay sheegeen in kuwii fuliyay goobta ka baxsadeen, balse lagu raad-joogo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Xasan Sheekh ma oran kara waxaan sii joogayaa illaa 2027

Digniintan ayaa imaneysa xilli ay guul la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadallo dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 09:40AM

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM