​MUQDISHU: Maxaa ka cusub shirka madaxda Somalida?

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa wali kasocda magaalada Muqdishu caasumadda Somalia shirka madasha wadatashiga Qaran ee madaxda Somalida uga arrinsanayaan arrimaha farsamo ee doorashada lagu wado inay qabsoonto dabayaaqada sannadka 2016.

Shirka ayaa furmay maalintii Shalay 03 Augusto, iyadoo ay ka qayb galeen madaxda dowladda Federalka Somalia, kuwa maamul goboleedyada iyo xubno kasocda beesha Caalamka.

Kulankan ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayay waxaa kamid ahaa; qaabka loo fulin karo jadwalkii hore ee doorashada iyo waxa laga yeelayo talo soo jeedin ay sameeyeen Guddiga Hirgalinta Doorashada Heer Federaal kuwaasoo furintaankii shirka kusoo bandhigay qorshayaal la xiriira doorashada.

Soo jeedinta Guddiga ayaan la isku raacin, waxaana dood adag laga yeesha waqtiga lagu darayo inta uu noqonayo inkastoo muranka ugu badan ka taagnaa sameynta Guddiyada doorashada wadaya, gaar ahaan Guddiga khilaafaadka iyo Guddiyada doorashada heer maamul goboleed.

Waxaa sidoo kale dood laga sameeyay dhaqaalaha ku baxaya doorashada iyo qaabka loo maamulayo taasoo ay ballanqaaday beesha caalamku inay bixin doonto.

Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in wali socdaan kulamo kala duwan kuwaasoo lagu xallinayo kala aragti duwanaanta dhinacyada shirku u socda, waxaana la sheegay inay jiri doonto muddo kordhin aan la cadddayn inta ay noqon doonto balse loo badinayo inay ahaato Bil ama Labo bilood.

Xiriiro aan la samaynay madaxda shirka madasha kusugan waxay noo sheegeen rajo ah in xal laga gaari doono arrimaha taagan.

Waxaa sidoo kale arrintan doorashada dhinac socday Ajanda kale oo maamulka Jubbaland soo gudbiyay kaasoo ah in dood laga yeesha lacagaha kasoo xarooda Xajka taasoo ay qabysadaan dowladda Somalia iyo diyaaradda Jubba, waxaana qorshahaas laga reebay shirkii shalay kaasoo keenay in maamulka Jubbaland ka baxo wada hadalka in kastoo markii dambe madaxweyne Xasan Sheekh ogolaaday.

Jubbaland ayaa soo jeedisay in maamul walba qaato lacagta kasoo xaroota deegaanadiisa taasoo lagu qiyaasan 40 Malyan ee aysan galin khasnadda dowladda Somalia.

Garowe Online ayaa sidoo kale helay xog sheegaysa inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dib loo dhigayo Aqalka sare ilaa November islamarkaana laga soo hormarinayo golaha Hoose.

Shirkan oo qorshuhu ahaa inuu socdo labo maalin ayaa la filayaa in lasoo gabo gabeeyo iyadoo laga soo saari doono warmurtiyeed ku saalayna maxsuulka kasoo baxay qodobadaasi.

Dhawr jeer oo hore, waxaa lagu cel-celiyay in doorashada Somalia la qaban doono waqtigii loogu talo galay islamarkaana aysan jiri doonin muddo kordhin dambe, balse waxaa muuqata in howlaha yaalla aysan saamixi doono doorasho waqtigeedii dhacda, waana sababta shirkan looga doodayo in waqti lagu siyaadiyo xilligii doorasho dhici lahayd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM