​Muqdishu: Qarax ka dhacay Hotel Ambasador

Image

MUQDISHU- Weerar xooggan ayaa casar gaabkii lagu qaaday hotelka Ambasador oo ku yaalla magalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya, waxana u dhacay qaab ismiidaamin ah iyadoo qaraxa kadib mallayshiyaad hubaysan ugaha u galeen hotelka.

Weerarkaasi, waxaa ka dhashay khaasaaro xooggan sida wararku sheegayaa, iyadoo dhawaqa qaraxaasi laga maqalay guud ahaan magalada Muqdishu.

Mallayshiyaad hubaysan ayaa lagusoo waramayaa inay gudaha u galeen hotelka iyadoo la maqlayo rasaas xooggan oo la tuhunsanyahay inay isweydaarsanayaan mallayshiyada hotelka gashay iyo ciidamada ilaadaha ka ahaa.

Ciidamo xooggan ayaa la keenay goobta qaraxu ka dhacay, waxaana guud ahaan wadada Maka Almukarrama oo hotelku saaranyahay la dhoobay ciidamo tiro badan.

Khasaaraha rasmiga ah ayaa adag in la helo maadaama weerarku goordhaweyd dhacay islamarkaana hotelka lagu dhex dagaallamayo.

Xarakada Al Shabaab ayaa weerarkaasi mas'uuliyaddiisa sheegatay.

Qaraxan, ayaa lagu soo beegay xilli magalada Muqdishu la filayo inuu Jimcaha soo gaaro madaxweynaha dalka Turkiga.

Sannadkii 2011, ayay ahayd markii sidaan oo kale qaraxyo looga fuliyay magalada Muqdishu iyadoo lasugayay inuu yimaado Recep Dayyib Erdogan oo waqtigaas Ra'isal wasaaraha Turkiga ahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM