​Muqdishu: Qaraxyo xooggan oo ka dhacay Xalane

Image

MUQDISHU, Somalia- Qaraxyo xooggan ayaa ka dhacay magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia kuwaasoo lala eegtay goobo muhiim ah iyadoo aysan jirin ilaa hadda khasaaro rasmi ah oo la shaaciyay.

Gaari qarax lagasoo buuxiyay oo si xoog ah ku socday ayaa lagu dhuftay bar-kantarool oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin xerada Xalane ee magaalada Muqdishu.

Warar kale oo ku saabsan weerarkaasi ayaa sheegaya in qaraxu ka dhacay halka laga galo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdishu. Waxaana xigay rasaas xooggan oo ay is-weydaarsadeen ciidamada ilaalada ahaa iyo mallayshiyaadka weerarka gaystay.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadaasi.

Dhinaca kale kama aysan hadlin dowladda Somalia.

Ciidamo xooggan iyo gawaarida gurmadka ayaa goobta tagay, waxaana socda is-rasaasayn xooggan.

Goob jooge ku sugan magaalada Xamar ayaa GO u sheegay inay maqleen jug iyo dhawaqa rasaas dhacaysa balse ma sheegin khasaaraha inta uu le'egyahay.

Ururka Al Shabaab ayaa inta badan qaraxyada caynkan ah ka gaysata caasumadda Somalia.

Faah faahinta wararkeenna dambe ayaan kasoo sheegi doonnaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM