MUQDISHU: Sagaal ku dhimatey weerar lagu qaadey makhaayad ku taal Liido

Image

MUQDISHU: Weerar xalay kooxda al shabaab ku qaadey makhaayad ku taal xeebta Liido ayaa Dowlada Federaalka waxaa ay sheegtey in 9 qof ku dhinteen.

Dadka dhintey ayaa isugu jira shacab ku sugnaa Banaadir Beeach, askar iyo xubno ka tirsan kooxda al shabaab ee soo weerartey makhaayadaas.

Sida ay ciidamada booliska sheegayaan, waxay qabteen qof ka mid ah kooxdii weerarka qaadday oo dhaawacmay, kaasoo hadda su'aalo la weydiinayo.

Kooxdaan ayaa markii at makhaayada soo weerareen ayaa dadkii ku sugnaa intooda badan ka boodeen daaqadaha iyo darbiyada.

Dhinaca kale lama sheegin tirada dhaawaca balse waxaa jira tiro dadka wax ku noqdey weerarkaas in la geeyo isbitaalada magalaada Muqdishu.

Weerarkaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii kooxdaan weerar ku qaadey suuq ku yaal magalaada Galkacayo halkasoo ku dhinteen dad gaaraya 20 qof iyo dhaawac 50 ah.

Kooxda Al shabaab ayaa weerarada ay ku hayso shacabka iyo ciidmada amniga kor dhisay xilli la sugayo in Somalia ka dhacdo doorasho.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM