Muqdishu: Shir ka socda xarunta Xalane

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan heer-caalami ah, oo loogu gogol-xaarayo Shirka 11-ka Bishan May ka furmaya magaalada London, ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo Muqdishu.

Safaaradda dowlada UK ee Somalia ayaa soo qaban-qaabisay shirka, waxaana ka qeybgalaya Madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleeydayada, diblomaasiyiinta beesha caalamka u fadhiya Somalia.

Ujeedka Kulankan ka dhacay xarunta Xalane, ayaa ah in lagu gorfeeyo qodobada looga hadli doono Shirka caalamiga ah ee London, kaasi oo diiradda lagu saari doono arrimaha ka taagan dalka Somalia.

Wakiilka QM ee Somalia Michael Keating, ayaa sheegay in Kulanka Muqdishu uu yahay tallaabo muhiim ah oo gogol xaar u ah Shirka London, ee la qorsheynayo in Somalia iyo Beesha caalamka ku gaaraan heshiis iska-kaashi heer caalami ah.

Ajandooyinka looga hadli doono Shirka London, waxaa kamid ah Amniga, Abaaraha, dib usoo nooleynta dhaqaalaha dalka, heshiiskii dhisamaha ciidanka qaran, dib u eegista dastuurka iyo doorashada 2020.

Beesha caalamka iyo dowladaha Saaxiibada la ah Somalia ayaa la filayaa inay balan-qaadyo cusub u sameeyaan Madaxda dowladda Federaalka, si ay wax u qabtaan caqabadaha ku hor-gudban dib usoo celinta Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM