​Muqdishu: Taliye ku-xigeenkii hore NISA oo la dhaawacay

Image

MUQDISHU, Somalia - Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday taliye ku-xigeenkii hore ciidamada nabad sugidda iyo sirdoonka Somalia, xilli uu marayay bartamaha magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Weerarka ayaa ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee degmada Xamar-jajab, halkaas oo marayay baabuur uu watay General Xasan Dheere.

Sida Goobjooge uu u xaqijiyay GO, weerarka ayaa dhacay markii dablay hubaysan baabuur ku hor-gooyeen Gaagriga uu la socday Xasan Dheere kadibna la huwiyay rasaas.

Wararka waxay sheegayaan in Xasan Dheere uu dhaawac kasoo gaarey falkaas qorshaysnaa, sidoo kale lagu dilay mid kamid ah Askarta ilaalada u ahayd.

Dhaawaciisa oo aad u adag ayaa la dhigay mid kamid ah cusubitaallada Muqdishu halkaas oo lagu dabiibayo.

Kooxda Shabaab ayaa mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay iyagoo tilmaamay in qorshuhu ah khaarajinta General Xasan Dheere.

Weerarkaas kadib ayaa sidoo kale Maanta magaalada Muqdishu lagu dilay Afhayeenkii maamulkii hore Ximan iyo Xeeb.

Weeraradan ayaa lagusoo aadiyay maalmo kadib markii uu xilka la wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in la caleemo saaro 22 bishan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM