Muqdishu: Wariye Qarax lagu dhaawacay

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xoog leh ayaa laga maqlay qaybo kamid ah magaalada Muqdishu, kaasoo ahaa mid lagu xiray baabuur uu waday Wariye katirsan TV-ga Universal.

Sawir-qaade Cabdixamiid Karasaay iyo labo ruux oo shacab ah ayaa weerarkaas lagu dhawacay, sida ay GO u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdishu.

Wariyahan ayaa kusii jeeday shaqo-maalmeedkiisa kahor intaysan la kicin miino Baabuurka loogu xiray.

Ciidamada ammaanka caasumadda Somalia, ayaa goobta soo gaaray, waxayna ka qaadeen dhaaca Karasaay iyo labada qof ee kale kuwaasoo dhaawacyo kala duwan qaba.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Wariyahaas uu soo gaaray dhaawac culus.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso kooxda Al Shabaab.

Weerarkan ayaa qayb ka ah kuwo muddooyinkii dambe ka dhacayay magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM