​Muqdishu: Xarunta AMISOM Somalia oo la weeraray

Image

MUQDISHU- Tiro hoobiyaal ah ayaa xalay waqtigu markuu ahaa 01:00AM xilliga Muqdishu, lagu weeraray saldhigga sida weyn loo ilaaliyo ee ay daganyihiin ciidamada AMISOM iyo qaar kamid ah safaaradaha waddamada reer Galbeedka.

Goobtan la weeraray ee Xalane oo ku teedsan gegida diyaaradaha magalada caasumadda Somalia, ayaa lagu dhuftay qiyaastii ilaa 7 madfac, balse ma jirto khasaaro ilaa hadda lasoo weerarkaasi sababay.

Duqayntan, waxaa sheegtay xarakada Shabaab, waxayna barahoota taageera ku sheegeen inay u fulay qorshahoodii, waloow aysan sheegin khasaaraha ay gaysteen.

Balse, saraakiisha dowladda ayaa tilmaamay in falkaas oo mid fulaynimo ah ku tilmaameen uusan gaysan haba yaraateen waxa khasaare ah iyagoo sheegay inay ku dhaceen hareeraha xarunta balse aysan abaarin goobaha muhiimka ah.

Madaafiicdan ayaa lagu soo beegay xilli magalada Muqdishu shalay gaareen tiro katirsan ciidamada dalka Ingiriiska.

Maaha markii ugu horaysay ee kooxdan weerarto xarunta Xale oo ah goob amnigeed si aad ah loo sugo iyagoo ay daganyihiin dhammaan mas'uuliyiinta Afrikan iyo Cadaanka isugu jira ee ka howl gala caasumadda Somalia, waana xarunta khaaska ah ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM