MUQDISHU: Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo dil ka badbaadey

Image

MUQDISHU, Somalia - Senator Xuseen Cali Xaaji ayaa saaka ka badbaadey Isku-day Dil, kadib markii koox hubaysan ay rasaas ku fureen Gaarigiisa xilli uu marayay nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdishu.

Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo, ayaa sheegaya in Mudanahan katirsan Aqalka Sare uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin rasaasta, balse ay ku dhaawacmeen Darawalkiisa iyo qof kaloo shacab ah.

Weerarka ayaa dhacay kadib markii Gaari uu watey Xildhibaanka Gaari kale oo ay saarnaayeen dabley hubaysan, kuwaasi oo isku dayay inay dilaan Senator Xuseen Cali Xaaji, sida Goob-jooge u sheegay GO.

Ciidamada Amniga Somalia, ayaa goobta gaarey, waxyar kadib markii ay baxsadeen Kooxda hubaysan, kuwaasi oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab, oo inta badan beegsata Xildhibaanada BFS.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada NISA iyo Kooxda hubaysan ay is-waydaarsadeen rasaas, kahor inta aysan goobta ka baxsan.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Isku-dayga dilka ee ka dhanka ah Senator Xuseen Cali Xaaji.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa Insha Allah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Xasan Sheekh ma oran kara waxaan sii joogayaa illaa 2027

Digniintan ayaa imaneysa xilli ay guul la’aan ku soo dhamaadeen wada-hadallo dhowaan ka dhacay xerada Xalane ee Muqdisho.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 09:40AM

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM