​MUQDISHU: Xoolo Is-cunay kadib markii laga soomiyay Baad iyo Biyo [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka aan ka helay duleedka magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa sheegaya in niman ganacsato ah xero ku taal halkaas ku xabiseen in kabadan kun neef oo Lo' ah muddo kabadan 20 casho.

Xoolahaas ayaa la sheegay inaysan jirin cid siin jirtay Biyo iyo Cunto intaba, balse la duugi jiray bakhtiga kii dhinta.

Qaar kamid ah dad booqasho ku tagay xeradaas ayaa GO, u xaqiijiyay inay ku arkeen goobtaas arrin laga naxo oo ay ugu daran tahay Lo'daas oo cunaysa bakhtiga kuwa dhintay.

Duunyadan ayaa wararku xusayaan inay iska leeyihiin Masaari kuwaasoo kasoo celiyay dalalka Carabta. Lamana oga sababta Muqdishu loo keenay iyadoo la xaqiijiyay inay ku jiraan ilaa Saddex Xarumood oo kale.

Bulshada Somaliyeed ayaaa ku tiirsan xoolaha nool, waxaana wararka aan ka helnay Lo'daas sheegayaan in laga soo celiyay dalalka carabta islamarkaana ku jiraan saddex Xero oo ku taal dalka Somalia.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Banaadir iyo sidoo kale wasaaradda Xannaanada xoolaha Somalia kuwaasoo muujinaya inay ku fashilmeen xilalkii loo dhiibay.

Dhacadadan ayaa dadku sheegayaan inay tahay tii ugu xumayd ee lagu arko gudaha Somalia.

In baaha'imka laga xanibo daaqa, waxaa ka dhalata caro EEBBE sida horay diintu u sheegtay iyadoo qisooyin la wariyay cadeeyeen in haweenay bisad ka af-xirtay cuntadii iyo baad-kii ay mutaysatay Cadaabka ALLE.

Dhacdadan, ayaa kusoo aadaysa xilli dalka Somalia ay ka jirto abaar xooggan oo gabaabsi galisay duunyadii ay dhaqan jireen shacabka Somaliyeed, waxaana hadda socda dadaalo loogu gurmanayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM