Murashax Farole oo Bosaso lagu soo dhaweeyay [Sawirro+Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Murashaxa madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa maanta 14 July, 2016 soo gaaray xarunta gobolka Bari ee Bosaso, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka degmada iyo mas'uuliyiin kale.

Safarkan ayaa madaxweynihii hore Puntland Dr. Farole, kaga soo amba-baxay magaalada Dubai ee xarunta dalka Is-tagga imaaraadka Carabta halkaas oo loogu sameeyay haflad soo dhaweyn ah oo uu kulan kula qaaday jaaliyadda Somalida ee waddankaasi.

Cabdiraxmaan Farole, ayaa soo dhaweyn kadib la hadlay warbaahinta isagoo kawarbixiyay safarkiisa iyo kulamadii uu dhawaan la yeeshay bulshada Somalida, wuxuuna xusay inay ku saabsanaayeen arrimo la xiriira ololaha doorashadiisa.

Wuxuu ka hadlay marxaladda kala guurka ah iyo is-badalka la filayo inuu dhaco dabayaaqada sannadkan 2016 kaasi oo uu ku macneeyay mid umadda Somaaliyeed qiimo ugu fadhiya, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay u xushaan xubno u istaaga bad-baadinta dalka iyo dadka.

Murashaxa ayaa sidoo kale tilmaamay in dib u dhac xooggan jiro taasi oo ku aadan jadwalkii doorashada ee lagu go'aamiyay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee dhawaan ka dhacday magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay taasoo sheegay inuu kala hadlay Ra'isal wasaare Sharmake xilli ay ku kulmeen Dubai.

Xaaladda Puntland ayuu soo hadal qaaday iyo khilaafaad muddooyinkii dambe ka dhextaagnaa dowladda iyo siyaasiyiin gaar ahaan xiisaddii degmada Carmo, wuxuuna labada dhinac ugu baaqay inay u istaagaan sidii waxyaabaha jira loogu dhammayn lahaa wada-hadal, isagoo ballan qaaday inuu qaadan doono doorkiisa odaynimo uuna arki doono xubnaha waxgaradka ah ee    arrintaasi khusayso.

Booqashada Bosaso ee murashax Farole, ayaa kusoo aadaysa xilli dalka Somalia kasocoto loollan loogu jiro jagada madaxtinimada iyo midda Barlamanka, waxaana la filayaa inuu kulamo la qaato maanta waxgarad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM