​Murashaxiin u gudbay wareega 2aad iyo tirinta codadka Guddoomiye ku-xigeenka 2aad oo socota

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxa soo dhammaatay tirinta codadka doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Barlamanka Somalia, oo ay ku loolamayeen 6 murashax inkastoo ay ugu cad-cadaayeen Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo helay 93 cod, Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudeey oo helay 111cod iyo Khadija Maxamed Diriye oo heshay 27 cod.

In ka badan 156 Xildhibaan ayaa ka qeyb-qaadanaysa codbixinta, taasi oo lagu dooranayo ku xigeenka kowaad ee Guddoomiyaha Barlamanka Somalia, iyadoo booskan xubnahaas ku weheliyaan; Jaylaani Nuur Ikar, Khadija Maxamed Diriye, Khalid Macow Abdikadir iyo Saciidd Xuseen Ciid.

Wareegga labaad waxaa usoo baxay saddexda murashax ee ugu codka badan kuwaasoo kala ah;  Cabdiwali Sheekh Ibrahim, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Khadija Maxamed Diriye, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada Barlamanka.

Xildhibaanada ayaa iminka aaday salaadda Duhur, waxaana socda tirinta codadka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Somalia oo ay u taaganyihiin murashaxiinta kala ah;

Cabdiqaadir Sheekh Cali Baqdaadi (Wasiirkii arrimaha Diinta ee DFS)

Mahad Cabdalla Cawad (Ku xigeenkii 2-aad ee Gudoomiyaha baarlamaankii 9-aad)

Cabdullaahi Godax Barre (Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha)

Burhaan Aaden Cumar

Cabdullaahi Xuseen Cali

Cabdiweli Maxamed Qanyare

Xuseen Cabdi Cilmi

Cilmi Maxamed Nuur

Cabdiraxmaan Aaden Ibraahim

iyo Maryan Axmed Haarun.

Ilaa hadda codadkii la tiriyay, waxaa aad isugu dhow Mudanayaasha kala ah, Cawad, Baqdaadi, Goodax, Burhaan iyo Cabdiraxmaan.

Doorashadan ayaa ka adag middii shalay dhacday ee ay Guddoomiyaha golaha shacbiga dalka, waxaana la filayaa in isla maanta lasoo afmeero codaynta guddoonka Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM