Murashaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo loo yeeray

Image

CADAADO, Somalia - Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu yeeray magaalada Cadaado Murashaxiinta la diiwaangeliyay, maadaama ay soo dhawaatay waqtiga doorashada qabsoomi lahayd.

Wararka ayaa sheegaya in Murashaxiinta loo qabtay muddo 24 saac gudahood iney ku tagaan xafiiska Gudiga doorashada ee degmada Cadaado, si loo siiyo shahaadooyinkooda aqoonsiga murashaxnimo.

Waxaa la filayaa in maalinta Berri ay Murashaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug khudbadahooda ka jeediyaan xarunta Barlamaanka maamulkaasi.

Waqtiga doorashada ayaa waxaa ka hartay Afar maalmood oo qura.

Dhanka kale, waxaana wali qabsoomin shirkii lagu heshiisiin lahaa Ahlu Sunna iyo Galmudug, ee qaban-qaabadiisa maalmihii lasoo dhaafay ka socotay Muqdishu, kaasi oo qorshuhu uu ahaa inuu dhaco kahor Doorashada.

Wararka Warsidaha GO uu helayo ayaa sheegaya in sababta dib u dhaca shirka ay tahay in Ahlu Sunna ay shuruudo adag ay ku xirtay Wadahadalka, kuwaasi oo ay kamid yihiin in Doorashada Madaxweynaha Galmudug lagu qabto Dhuusamareeb, in la isku dhafo Baarlamaanka labada dhinac iyo inay helaan Jagada Madaxweyne ku xigeenka.

Waxay sidoo kale Ahlu Sunna codsatay in la bedelo magaca Galmudug, iyo in lacag malaayiin doolar oo magdhaw ah laga siiyo khasaaraha kasoo gaarey dagaalkii ay Al shabaab kula galeen gobolka Galgaduud.

Dowladda Federaalka Somalia ayaa u xilsaartay dhexdhexaadinta labada dhinac wasiirada arrimaha gudaha iyo dibadda Cabdi Faarax Saciid (Juxa) iyo Yuusuf Garaad Cumar.

Dowladdii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guul-daraysatay mudadii afarta sano ee talada ay haysay inay heshiisiiso maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna, oo isku haya awoodda gobollada dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM