Murashaxiinta madaxweynaha Somalia oo walaac ka muujiyay doorashada 2016
GAROWE, Puntland- Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha dowladda Federalka Somalia ayaa maanta soo saaray qoraal ay uga hadlayaan xaaladda doorashada waddanka iyo war-murtiyeedkii 9-kii bishan kasoo baxay madasha ay ku shirayeen madaxda Somalia.
Kulankan oo ay maanta isugu yimaadeen murashaxiinta kala ah Cabdiraxman Sheekh Maxamed Maxamud Farole iyo Cali Xaaji Warsame ayay kusoo gudbiyeen qoraalka kadib kulan ay la qaateen madaxa UNSOM ee Puntland Howard Bell.
Murashaxiinta ayaa qoraalkooda ku caddeeyay qodobo dhowr ah kuwaasoo dhammaantood ku xeeran doorashada la filayo inay qabsoonto dabayaaqada 2016, waxayna si gaar ah u taabteen qodobadan hoose;
- · War-murtiyeedkii soo baxay 9 Augusto, 2016
- · Xubnaha sida joogtada ah loogu darayo Aqalka sare kaasoo markii hore lagu hishiiyay 54, balse haatan maraya 58
- · Dib u dhaca doorashada; Murashaxiinta ayaa sheegay in arrintaasi tahay dib u dhac loo sameeyay qaab joogto ah si kororsiimo u hesho dowladda hadda jirta
- · Jaah-wareerinta dadweynaha iyo murashaxiinta doonaya Xildhibaanimada kuwaasoo lagu xiray shuruudo aysan shaqo kulahayn dowladda hadda joogta
- · Ku takri-fal awoodeed taasoo ay samaynayso dowladda ay dhammaatay muddo xileedkeedii
- · Kafaalo qaadka ammaanka iyo halka ay dagayaan murashaxiinta madaxtinimada waddanka Somalia
- · Dammaanad qaadka jawallada doorasho ee lasoo saaray
- Codsi ay u jeediyeen beesha caalamka; Murashaxiinta ayaa UN-ka kacodsaday inay u istaagaan sidii loo meel-marin lahaa qorshihii dhigayay inaan la samayn wax muddo kororsi ah taasoo ka yimaada dhinaca dowladda haatan jirta
- · Iyo Shirka IGAD ku qabsanayso Somalia; Murashaxiinta ayaa sheegay in waqtiga IGAD doorashada ku qabsanayso Somalia inuu xilka ka dhammaaday madaxweynaha Somalia.
Hadalka Murashaxiinta ayaa kusoo beegmay hal maalin kadib markii lasoo afmeeray shir muddo qaatay oo madaxda Somalida kulahaayeen magaalada Muqdishu kaasoo looga hadlayay arrimaha doorashada dalka ka dhici doonta dabayaaqada 2016.
HADABA HALKAN KA AKHRISO QORAALKA MURASHAXIINTA OO KU QORAN LUUQADDA ENGLISH-KA