Mursal oo furay Kalfadhiga 5aad ee Barlamaanka KG [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa daahfuray Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay, Madaxweyne Shariif Xasan Aadan, gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Xilldhibaano Federaalka ka socday, kuwa maamulka iyo marti sharaf kale.

Gudoomiye Mursal oo furay Kalfadhiga ayaa ugu baaqay Xilldhibaanadda inay dar-dar geliyaan howlaha horyaalla, isagoo sheegay in looga baahan yahay in waajibaadkooda Dastuuriga ah ay gutaan.

Xilldhibaanada ka socday Federaalka oo uu kamid ahaa Maxamed Cumar Dalxa oo goobta ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in Xildhibaanada Koonfur Galbeed looga fadhiyo inay ka taliyaan aayaha gobolka.

Xilldhibaano ka tirsan Gollaha Sharci-dejinta Koonfur Galbeed oo khudbado meesha ka jeediyay ayaa waxay carabka ku adkeeyay inay diyaar u yihiin in Kalfadhigaan uu noqdo mid ka shaqo badan kuwii hore.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan, oo isana qaatay hadal-jeedinta ayaa shaaca ka qaaday inuu la shaqeyn doono Baarlamaanka si loo gaaro himilooyinka ay hiigsanayaan.

Kalfadhigaan 5aad ee maanta furay ayaa wuxuu yahay kii ugu dambeeyay, iyadoo kadib uu geli doono maamulka Koonfur Galbeed doorasho taasoo shaki laga qabo inay qabsoonto waqtigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM