Mursal oo shuruud ku xiray kala taga BF kadib dhamaadka xil-heyntooda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa Isniinta maanta ah shuruud ku xiray in ay kala tagaan kadib dhamaadka xil-heyntooda.

Mursal oo ka hadlayay fadhi ay mudaneyaasha yeesheen ayaa daaha ka rogay in ay xafiiska sii joogayaan inta ay ka imaanayaan Xildhibaano bedela.

"Illaa qorshaha doorashadda ay dhameystiraan dowlad goboleedyadda iyo hay'addaha kale federaalka ee u xilsaaran qabashada doorashada baarlamaanka wuu shaqeynayaa," ayuu kaga dhawaajiyey luuqad dabacsan.

Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa wuxuu intaas ku daray: "Muddo xileedka baarlamaankan wuxuu dhamaanayaa bisha December 27-deeda; in laba meelood meel kamid ah baarlamaanka kale uu diyaar ahaado; hadii uu diyaar ahaan waayo mala kala tegayaa? su'aal ah ayaa la is-waydiinayaa. Illaa hay'addahan hay'addii bedeli lahayd ka imaaneyso baarlamaankan wuu shaqeynayaa".

"Caalamka kama jirto baarlamaan isagoo aysan imaan baarlamaankii bedeli lahaa iska kala tegaya," ayuu xusay Mursal oo daacad u ah Villa Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyaddoo uu dib u dhac ku yimid fulinta jadwalkii doorashadda ee ay ku heshiiyeen dowladda iyo maamuladda kaasoo xeerinaya in 1-da November ay bilaabato soo xulista sharci-dejiyeyaasha cusub.

Illaa haatan si dhab ah looma ogga sababta baaqashadda keentay, hase ahaatee, waxay kusoo hagaagtay iyaddoo ay is-mari-waa ka jiraan dhinacyadda magacaabida guddiyadda doorashadda si gaar ah wakiilada Somaliland.

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in guddiyadda ay ku bataan xubno taabacsan qorshaha soo laabashadda Farmaajo gaar ahaan mas'uuliyiinta ka imaaneysa Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo gobolada waqooyi.

Tani oo durba ay muuqaneyso in ay dharbaaxo ku noqotay dhaqan-galka heshiiska doorashooyinka ayaa dhabaha u xaari karta cawaaqib-xumo siyaasadeed iyo hubnati la'aanta ku xoogeysata in dalka si nabad uga baxayo kala guurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM