Mursal oo soo farageliyay muranka ka taagan Xajka

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay maanta oo Isniin ah Gudiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Gollaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mursal uu faray Guddiga inay si deg deg ah u xaliyaan muranka ka taagan arrimaha Xajka 2018.

Murankaan oo qarka u saaran inuu Xujeyda Soomaaliyeed ka baajiyo sanadkaan gudashada Acmaasha Xajka, ayaa waxuu sababay inuu xilkiisa ku waayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo mas'uul kale.

”Kulankeena maanta waxa uu ahaa mid muhiim ah, Xubnaha guddiga waxa kula dardaarmay iney sii laba jibaaraan shaqooyinka ay hada hayaan, aad ayaa ugu qancay warbixinta ay ila wadaageen” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Kulanka sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo Habdhowraha golaha shacabka Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Isku dhax-yaaca ka taagan arrimaha Xajka ayaa waxa la fahansan yahay inay saameyn ku leeyihiin Shirkadaha Duulimaayadda kala duwan ee dalka ka jira, kuwaasoo ku loolamaya inay iyaga Xujeyda Soomaaliyeed u qaadaan dalka Sacuudiga.

Talaabadaan uu qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaanan la ogayn waxay ka bedali karto baqdinta ay qabaan Xujeyda Soomaaliyeed ee ku aadan in aadi waayaan Xajka sanadkaan.

Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin kamid ah dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin muranka taagan, kuwaasoo wata shirkado gaar ah oo ay leeyihiin, iyagoo doonaya inay munaasabada xajka dhaqaalo badan ka sameeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM