Mushaharka ciidanka Somalia oo qayb ka mid ah bixinayo Ingiriiska

Image

02 November, 2015(GO)-Taliyaha ciidamadda xoogga dalka Somalia General: Maxamed Aadan Axmed, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Boqortooyada Britain u fadhiya Somalia danjire Harriett Mathews.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ku leedahay Xamar, ayaa labada mas'uul kaga wada hadleen taageeradda Ingriisku siiyo ciidanka Somalia, waxayna isku afgarteen in la kordhiyo taakulaynta la siiyo ciidamada Somaliyeed.

Safiiradda ayaa balanqaaday  inay bixinayaan mushaaraadka ciidamadda Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60aad, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska xeryaha ciidamadda si loo xoojiyo tayada iyo tababarka ciidanka.

Dhanka kale danjiraha ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Saxafi kaasi oo ay ku dhinteen dhawr iyo toban ruux oo isugu jiray mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Britain ayaa dhawaan shaacisay in dalka Somalia gaar ahaan ciidamada Xoogga dalka ka caawin doonaan tababarada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM