Musharaxiin baaq kasoo saarey weerarkii Gaalkacyo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimada doorashooyinka Soomaaliya 2020-21 ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay magaaladda Gaalkacyo.

Falkaas uu fuliyey naftii halige ayaa ka dhacay agagaarka garoonka kubada cagta koonfurta xarunta gobolka Mudug halkaas oo qorshuhu ahaa in Ra’iisul Wasaare Rooble kula hadlo dadweynaha loosoo abaabulay.

Inta la xaqiijiyey 16 ay kamid yihiin taliyeyaal ciidan, askar, mas’uul hore iyo shacab ayaa ku naf-waayey "dhacdadaas argagixisanimo".

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka falceliyey weerarkaas ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray:

"Waxaan si adag u cambaareynaya weerarka ismiidaaminta ah ee goordhow ka dhacay magaaladda Gaalkacyo. Xiriiro aan la sameeyay magaaladda waxaan ku xaqiijiyay in khasaaruhu badanyahay.

Allaha u naxariisto walaallihii qiimaha badnaa ee ku dhintay weerarkaas bahalnimada ah, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo.

Waxaan ku baaqaya in gurmad deg deg ah loo fidiyo bulshada reer Gaalkacyo oo ku sugan xaalad adag, sidoo kalana waa in dhexdoodu isu gurmadaan. Waxaan kaloo bulshada ugu baaqaya foojignaan dheeri ah maadaama dhagarta cadowgu ay badantahay xilliyadan oo kale.

Amniga dalku waa baahi weyn, oo u baahan shaqo badan, aragti togan, iskaashi iyo in mudnaan la siiyo, si loo helo xasilooni waarta oo damaanad qaadi karta badbaadada muwaadiniinta.

Alaha u naxariisto dhamaan dadkii ku dhintay weerarkii argagaxiso ee galabta ka dhacay magaalada Gaalgacyo, gaar ahaan geerida naxdinta leh ee ku timid saraakiisha kala ah Gen. Qooje , Mukhtaar, Marsho, Axmed Baaraaf iyo gudoomiye Tumey oo ah dhamaan dad aan si wacan u soo wada shaqeynay".

Xasan Cali Khayre, ra’iisul wasaarihii 19aad ee Soomaaliya, ayaa dhankiisa wuxuu Facebook kusoo qoray:

"Innaa Lillaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacab weynaha gobolka Mudug, uga tacsiyeynayaa musiibadii ka dhalatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geerida xanuunka badan ee ku timid taliyihii qeybta 21-aad ee CXD, General Abdiaziiz Abdulaahi (Qooje), taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug, Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan iyo gudoomiyihii hore ee Gaalkacyo qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Waxaan Allah caafimaad deg-deg ah uga baryayaa dhamaan saraakiisha, mas'uuliyiinta iyo shacabka kale ee musiibadaas ku dhaawacmay.

Dhammaan saraakiisha iyo mas'uuliyiinta naga baxay iyo kuwa dhaawacmay waxey ahaayeen furayaashii howshii nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada Mudug labadeeda dhinac, waxey ahaayeen halyeeyo usoo baxay bulshada gobolkaas iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, dowlada Federalka ah iyo maamullada Puntland iyo Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay gargaar iyo taageero dedeg ah la gaaraan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee dhibaatadu kasoo gaartay qaraxa".

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa isagana soo qoray:

"Waxaan tacsi u dirayaa ehelka iyo asxaabta ay ka baxeen Allaha u naxariistee Taliyihii Qaybta 21aad ee CXD Gen C/casiis C/laahi Qooje, Taliyihii guutada Danab Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan iyo taliye xigeenkiisii dhame C/raxmaan Mire Cali, Duqii hore ee magaalada Gaalkacyo Maxamud Yaasin Tumey, iyo intii kale ee ku dhimatay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo.

Waxaa muuqata in argagexisadu ay hadafkooda yaqaanaan. Waxaa maanta haboonaan lahayd saraakiishaas qiimaha badan oo furinta dagaalka cadawga ku dhinta, halkii ay aragagexisadu ku gumaadi lahaayeen goob soo dhowayn. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo ehelkooda iyo asxaabtooda".

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, ayaa ciwaankiisa baraha bulshadda ku daabacay:

"Waxaan xanuunka la wadaagayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska CXD, dowlad goboleedka Galmudug iyo eheladii ay ka baxeen saraakiisha, masuuliyiinta iyo shacabkii maanta ku shahiiday qaraxii Gaalkacyo. Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, annagana samir naga siiyo".

Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ahna guddoomiyaha Midowga Murashaxiinta, ayaa soo qoray:

"Waxaan murugada la wadaageynaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, innagoo ka tacsiyeynayna walaalihii nooga geeriyoodey qaraxii argagixisadu ku weerareen magaalada Gaalkacyo.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu direynaa taliska ciidanka xoogga dalka, dowlad goboleedka Galmudug, qoysaskii, qaraabadii iyo saaxiibadii ay marxuumiintu ka baxeen.

Argagixisadu malahan wax naxariis ah sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed madax iyo shacab inay gacmaha isku qabsadaan sidii loo cirib tiri lahaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM