Musharaxiinta doorashada Somalia oo ka hadlay burbur ku yimid dood la qaban lahaa
MUQDISHO, Somalia- Kulan maanta galinkii dambe ay isugu yimaadeen musharaxiinta xilka madaxweynaha Somalia hotel Jazeera Muqdishu ayaa lagaga hadlay burbur saaka ku dhacey dood la rabey in loo qabto qaar tirsan u tartamayaasha xafiiska ugu sareeya dalka Somalia kaasoo laga soo saarey warsaxafadeed.
Warsaxafadeedkaan oo loo akhriyey saxaafada ayaa lagu sheegey sida ay ugu xun yihiin musharaxiintu isbadalka ku yimid qaabkii lagu soo heshiiyey in Doodaan loo qabto kaasoo wax laga badalay.
Musharaxiinta ayaa ka hadlay in go'aankii Barlamanka oo ahaa in saxaafada madaxa banaan kasoo wada qayb gasho Dooda aan sidii uu ahaa loo Fulin halka dhinaca kale barnaamijka uusan aheyn mid toos looga fiirsanayo talafishinida iyo baraha bulshada iyadoo lagu macneeyey inuusan jirin Internet.
Dhinaca kale musharaxiinta ayaa qoraalkaan ku sheegey in guddiga doorashada Barlamanka Federaalka uusan xaq u laheyn inuu gabi ahaanba baajiyo in doodaas dib loo qabto madaama ay aheyd go'aan uu gaareen labada aqal ee Barlamanka Federaalka Somalia.
Qoraalkaan kasoo baxay musharaxiinta xilka madaxweynaha Somalia ayaa lagu sheegey sidoo kale in guddiga doorashada Barlamanka Federaalka Somalia iska soo xuley laga saaro xildhibaan Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil 'Fartaag' madaama u si toos taageero ugu muujiyay musharax Xasan Shiikh Axmad.
Fartaag oo horey u ahaa Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland islamrkaana ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Barlamanka Somalia ayaa dhowaan xaflad uu qabtey musharax Xasan Shiikh kaga dhawaaqey inuu codkiisa siinayo Madaxweynihii hore ee Somalia isaga sidoo kale xildhibanada ugu baaqay iney doortaan mudane Xasan.
GAROWEONLINE