Musharaxiinta madaxtinimada oo iclaamiyey shir wadatashi ah

Image
Kulankan ayaa qorshaha wuxuu yahay in uu ka qabsoomo caasimadda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharraxiinta ee naqdiyey hannaanka ay ku bilaabatay xulista xubnaha Golaha Shacabka ayaa iclaamiyey in qaban donaan kulan-wadatashi ayna ka qaybgalayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen musharaxiinta, golaha ayaa tibaaxay in ay magacaabi doono laba guddi oo kala ah Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha iyo Guddiga Amniga Shirweynaha.

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay ay baraha bulshadda hareeyeen warqaddo soojeedinaya dhismaha Gole Sare si ay dalka u hogaamiyaan haddii ay uu fashilmay geedi-socodka haatan doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa sheegaya in warqadaha aysan ayagu kasoo bixin. Balse, waxay intaas ku darayaan in ay ka rajo-dhigayaan geedi-socodka doorashooyinka ee haatan.

Cabdirisaaq Maxamed, oo xubin ka ahaa baarlamaanka 10aad ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya kana mid ah mucaaradka dowladda, ayaa taageero weyn u muujiyey warqadahan iyo guud ahaan soojeedinta.

"Waa shaqo wanaagsan, haddii Ra’iisul Wasaaruhu ku guul-darraysto inuu hakiyo hannaanka doorashada ee been-abuurka ah, guul-darradiisu maaha oo kaliya inay horseed u noqoto dhismaha golaha balse waxay ku qasbi doontaa CPC inay si degdeg ah u hawl-gasho maalmo gudahood, lana dardar-geliyo geeddi-socodkii lagu dhisi lahaa Golaha Sarre," ayuu ku qoray ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Maxamed oo horey u soo noqdey wasiirka amniga xukuumadda federaalka ayaa xubin ka ah xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka kaasoo uu hogaamiyo madaxwaynihii hore ahna mar kale musharax madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA MUSHARAXIINTA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM