Musharaxiinta oo qaadacay habraaca doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay qaadaceen habraacii ka soo baxay hogaanka Golaha Wadatashiga Qaran oo laba casho ku shiray Muqdisho.

Sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen, habraaca wuxuu "khilaafsan yahay dastuurka iyo heshiiska 27-dii Maajo oo dhigayey oo doorashooyinku u dhacaan si cadaalad ah xor iyo xalaal ah".

Dhaqankii "boobka doorashada" ay sheegeen in ay ka diideen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ayay xuseen in aysan ka ogolaan doonin golaha wadatashiga qaranka ee habraaca faafiyey.

"Goluhu wuxuu u arkaa habraaca in dusha sare uu ka wato doorasho balse gudahiisu uu yahay magacaabis," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka musharaxiinta oo ay kasoo baxay shir ay yeesheen.

Colaad sokeeye, luminta kalsoonida shacabka iyo beesha caalamka, burburinta aqoonsiga dowladnimada iyo kooxaha xagjirka ah ka macaashaan ayay ku qeexeen cawaaqib-xumada ka dhalan karta boobka doorashooyinka.

Todoba qodob ayay soo jeediyeen oo ay kamid tahay in beelaha loo daayo xulista mudaneyaasha, baabi'inta caqabadaha lagu hor-gobay doorashooyinka sida dambi-baarista iyo muddeynta waqtiga coddeynta.

"Ugu dambeyn, goluhu wuxuu ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay kaalintooda ka qaataan sidii doorashadu u noqon lahayd mid xor ah oo sharciyad haysata," ayaa qoraalka lagu soo afjaray.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM