Musharaxiinta: Farmaajo wuxuu wiiqayaa cadaalad Ikraan

Image
Qoraalka ku naqdiyey talaabada Rooble ayay sidoo kale waxay ku qeexeen mid khal-khal-gelinaya amniga doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga musharraxiinta ayaa bogaadiyey "go’aanka ay mas'uuliyadda ku dheehan tahay" ee ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble shaqada kaga joojiyey madaxii hay'ada NISA.

Shaqo joojinta Fahad Yaasiin Daahir ayay ku sheegeen "mid fure u ah caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay". "Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda," ayay raaciyeen.

"Goluhu wuxuu dalbanayaa in baaritaan lagu sameey taliyihii xilka laga joojiyey," ayay ku dareen. Qoraalka Farmaajo ayay ku tilmaameen mid lagu carqaladeynayo baaritaanka iyo cadaalad ay hesho Ikraan.

Sidoo kale, bayaanka Farmaajo oo u ogolaanaya Fahad in uu shaqadda sii wato ayay ku sifeeyeen mid lagu khalkhal-gelinayo amniga qaranka iyo kan doorashooyinka heer federaal ee ka bilowday waddanka.

Ciidamadda ayay ku tartarsiiyeen in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda una hogaansamaan amarka wasiirka koowaad "kana digtoonaadan in ay ku kadsoomaan amarada madaxweynaha xilkiisu dhacay".

Shacabka, golaha wadatashiga qaranka iyo beesha caalamka ayay cod dheer ugu qaylo-dhaamiyeen in ay gacan-ka-siiyaan Rooble in uu cadaalad u goobo Ikraan oo la la'yahay labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, agaasimaha cusub ee NISA, Bashiir Goobe, ayay ka rajeeyeen in uu soo celiyo sumcadii hay'addu lahayd. Qoyska Ikraan ayay hoosta ka xariiqeen in ay garab-taagan yihiin illaa ay cadaalad la helayaan.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

https://scontent-lhr8-1.xx.fbcdn.net/v/t39.30808-6/241352266_4931094463586070_2598679129386461934_n.jpg?_nc_cat=108&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=hXuBdDk-mMMAX_YndVq&_nc_ht=scontent-lhr8-1.xx&oh=c69e405237dfd521824a223f8b989500&oe=613A3B21

https://scontent-lhr8-1.xx.fbcdn.net/v/t39.30808-6/240665781_4931094616919388_1596142839791485848_n.jpg?_nc_cat=107&ccb=1-5&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=qZYUuvK2yeQAX8db_PL&_nc_ht=scontent-lhr8-1.xx&oh=769bec0e6195edf01d34d81cd566f41a&oe=613AAEDE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM