Musharaxiinta oo taageero u raadinaya dhismaha gole cusub

Image
Talaabadan ayay u cuksadeen ka hor-tagida wax ay ugu yeereen "magacaabid siyaasadeed".

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta ayaa ka doodaya in la dhiso "Golaha Kumeel Gaarka ee Qaranka," sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo aad ugu dhow kulamadda ay yeesheen maalmihii lasoo dhaafay.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, golaha ayaa talaabaddan waxay u cuskanayaan "si looga badbaado waxa ay ugu yeereen Magacaabida Siyaasadeed oo burbur ku keenta dowladnimada".

Tafaasiisha ayaa intaas waxay ku daraysaa in wadahadalo la leeyihiin madaxda maamuladda si ay ugu qancinayaan in la sameeyo golahaas oo dalka ka arrimiya dalka muddo laba sano ah laguna qabto doorasho xalaal ah.

Talaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli musharaxiinta ay qaaaceen doorashooyinka ka bilowday dalka ayna ku sifeeyeen mid aan daahfurneyn kuna saleysan boob iyo ku takrifalka mas'uuliyadda madaxda waddanka.

Midowga musharaxiinta oo xalay war-saxaafadeed soo saarey ayaa gabi ahaan ku tilmaamey doorashada ka socota qaar ka tirsan maamulada in guud ahaan tahay boob iyo in la aqbali karin.

Sida ku xusan qoraalkan uu arkay Garowe Online, musharaxiinta ayaa oo horey u diidey muddo kororsi aan sharci aheyn oo uu isku dayey Farmaajo ayaa ka fekeraya talaabooyin kale.

Golaha Musharaxiinta oo uu gudoomiye u yahay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka, ayaa awood ku leh magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo ay abaabul xooggan ka sameyn karaan xili kasta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM