Musharaxiinta oo u dabaaldegay xukunka ICJ ee kiiska dacwadda

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta ayaa caawa Muqdisho ugu dabaaldegay xukunka maxkamadda cadaalada aduunka ICJ kasoo saartay dacwadda badda. Go'aankan wuxuu tixgeliyey rabitaanka Soomaaliya halka sheegashooyinka Kenya ay ku sifeysay kuwa aan sal iyo baar lahayn.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa yiro "hal saac oo ay hadleysay qaadiga maxkamada ICJ waxaa saldhig u ahaa MOU-ga [aan saxiixay]. Guushan waa mid Soomaaliyeed. Waxaan ku ammaanayaa dowladihii ugu dambeeyay oo ay ku jirto tan Farmaajo dedaalka ay ku bixiyeen. Laakiin waxayna dheer tahay masabidka [been abuurka]. Marka aduunka been abuurka wax ka xun ma jiro. Waliba waxaa ka xun markaa waydo qof kaa dhiciyo".

Xasan Cali Khayre oo "guul weyn" iyo "bilowga halgan cusub" ku tilmaamay xukunka maxkamada ICJ dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku baaqay in la dardargeliyay doorashooyinka "si dalkeena iyo dadkeenu uga haageysanaan kheyraadka ay leeyihiin".

Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si adag uga hor-yimid xeerka Midowga Afrika ee ku saabsan in taliska AMISOM kagu bedelo howlgal isku dhaf askar AU iyo Qaramada Midoobay ah. "Waxaa arrintan noo keenay liidnimadeena," ayuu yiri.

Xasan Sheekh Maxamuud oo "guul uusan shaqsi sheegan karin" ku qeexay xukunka maxkamadda cadaaladda aduunka ICJ kasoo saartay dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa cod dheer ku tartarsiiyey in si gaar ah loo abaalmariyo shaqsiyaadka u dhabar-adeegay oo ay kamid yihiin Eng Saalixi iyo Muna Sharmaa.

Shariif Sheekh Axmed oo "guul khatar ka badbaadisay" Soomaaliya ku tilmaamay xukunka maxkamada cadaaladda aduunka ICJ kasoo saartay dacwadda badda ayaa adkeeyay in dowladnimada "hogaan looga dhigo qof kasoo dhalaali kara mas'uuliyadda loo idmadey".

Maxkamadda cadaaladda aduunka ayaa xukmisay in Soomaaliya ay leedahay xuduuda badda ee ay muranka gelisay Kenya. ICJ waxay sidoo kale faafisay khariirad ay ku muujineyso sidda ay noqoneyso sohdinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM