Musharaxiin Khudbado ka jeeday Gollaha Shacabka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Lix kamid ah Musharaxiinta isku soo sharaxay qabashada xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta Khudbado u jeediyay Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Musharaxiinta oo dhamaan Xildhibaanno ah ayaa kusoo bandhigay Khudbadahooda qorshiyaashooda siyaasaadeed, khibradahooda shaqo iyo waxyaabaha ay qaban doonaan, haddii ay xilka ku guuleystaan.

Lixda Musharax ee maanta lagu billaabay Khubad Jeedinta Musharraxiinta ayaa kala ah;

  1. Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow
  2. Xildhibaan Cali Sheekh Maxamuud Nuur
  3. Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed
  4. Saalim Caliyow Ibrow
  5. Xildhibaan Aadan Maxamed Madoobe
  6. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar

Maalinta berri ah waxaa Khudbad jeedin doona Shan Musharax oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo shalay xilka iska cailay.

Doorashada Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa inay dhacdo 30-ka bishan April, oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Kursigan ayaa baneeyay Maxamed Cismaan Jawaari, oo is-casiley 9-kii April, kadib is-mariwaa iyo Khilaaf Siyaasadeed oo mudo bil ah socday, iyadoo Xildhibaanada ku kala qeybsameen Mooshinkii isaga laga keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM