Musiibooyinka soo noqnoqda ee Soomaaliya oo xal loo goobayo

Image
Image
Image
Image
Jubaland iyo hay'adda IMO ayaa kawada hadlay sidii soo dedejin lahaa wax ka qabashada qadiyadan.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Caalamiga ah Socdaalka IOM Maxamed Abdikheer waxaana wehlinayey  Wakiilka Hay’ada IOM u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa wafdiga Hay’ada IOM kala hadlay qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee loo baahanyahay in Hay’ada ay ka qabato deegaanada Jubaland.

Muhiimada koobaad ayaa waxaa la saarayaa sidii deg deg looga jawaabi lahaa arimaha abaaraha ee ka jira deegaanka, dadka xiligan la ildaran abaartana loo gaarsiin lahaa biyo, cuno, agabyada lagu dhisto hoyga iyo adeegyada caafimadka oo aasaasi u ah nolasha aadanaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala hadlay madaxda Hay’ada IOM sidii xal loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, dadkana loogu abuuri lahaa fursado ay ku hormariyaan nolashooda.

Ugu dambeeyntii Jubaland iyo Hay’ada IOM ayaa kawada hadlay sidii loo adkeeyn lahaa iskaashiga labada dhinac iyo mashaariicyada kale ee laga fuliyo deegaanada Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM