Muudey oo Beesha Caalamka ka dalbaday inay tallaabo ka qaado Jawaari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa ka hadlay baaqashada kulankii maanta.

Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho, ayaa Muudey ku sheegay in wixii maanta ka dhacay xarunta Gollaha shacabka ay ahaayeen wax laga xumaado, isagoo ku eedeeyay Jawaari iyo ku xigeenkiisa 2aad Mahad Cabdalla Cawad inuu mas'uul ka yahay.

Muudey ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha caalamka ugu baaqay inay baaraan fowdadii maanta ka dhacday Gollaha Shacabka, islamarkaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in Ciidamo lagu qabsaday xarunta, kadibna laga hor-istaagey Xildhibaanada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah, kana doodaan Mooshinka ka dhanka ah Jawaari. Halkan ka akhri Warbixinta.

Hadalka Muudey ayaa yimid kadib markii uu maanta baaqday Kulan laba ajande ah oo labo garab oo Xildhibaanno ah, oo katirsan Gollaha shacabka ay yeelan lahaayeen, kaasi oo qalalaase dhacay u baaqday.

Sabtidii lasoo dhaafay, Madaxweyne Farmaajo ayaa baajiyay isla kulankan, kadib markii laga baqay inay dhibaato dhacdo, maadaam dhinacyada ay kala iclaamiyeen labo ajande oo iska soo horjeeda.

Muudey iyo Jawaari ayaa midna ku guuleysay inuu qabsado kulanka uu rabey maanta, waxaana Khilaafka Siyaasadeed yeelanayaa waji cusub, iyadoo laga yaabo in beesha caalamka soo farageliso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM