Muudey oo dhaliilay Hab-dhaqanka Xilldhibaanada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Gollaha Shacabka Baarlamaaka Federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa sheegay inay jiraan Xilldhibaano si aan sharci ahayn u galay fasax, iyadoo Golahuhu shaqo hortaalo.

Wuxuu cod dheer ku sheegay ku dhawaad 20 Xilldhibaano oo Gollaha ka tirsan in saaka oo Sabti ah ka dhoofeen Muqdisho, iyagoo aanan wax ogolaansho ah ka haysan Guddoonka Gollaha Shacabka.

“Waxaa nasiib daro ah in, iyadoo Gollaha Shaqo hortaallo ay Xilldhibaano gaaraya 20 ay fasax galaan oo ay Diyaarad ka raacaan Garoonka Muqdisho,” ayuu yiri Muudey oo ka hadlayay Gollaha Shacabka.

Muudey ayaa tilmaamay in kaliya Fasaxa ay ka harsan tahay Labo maalmood ka hor ay doonayan inay qabtaan Shaqada uu sheegay inay hortaalo Gollaha.

“Gudoomiyuhu [Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan] wuxuu yimid saddexdii subaxnimo, waxaana wali Gudoonka go’aan kasoo saarin arrinta Fasaxa, laakiin waxaa socda qorshihii fasaxa loogu dhawaaqi lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo tan iyo markii uu furmay kalfadhiga 3aad aan qaban shaqooyinkii u yaallay, kadib markii uu hareeyay khilaaf siyaasadeed sababay inuu xilka isaga casilo Gudoomiye Jawaari.

Mudaniyaasha ayaa lagu wadaa in 10-ka dambe ee bisha Ramadan ay galaan fasax, iyadoo wixii markaasi ka horeysa looga fadhiyo inay ansixiyaan sharciyo badan oo Xukuumadda usoo gudbisay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM