Muudey oo loo diidey in uu ka dhaafo garoonka Muqdisho

Image
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa hanjabay kadib dhacdadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaalad kacsanaan ah iyo cabsi iska-hor-imaad ayaa galabnimada Axada maanta ah waxaa laga soo sheegay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Tani ayaa timid markii ciidamo fulinaya amar ka yimid Fahad Yaasiin Daahir ay Cabdiwali Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, ay xayireen socdaal uu ku tagi lahaa Baraawe.

Muudey ayaa doonaya xubinimada Golaha Shacabka. Balse, wararku waxay sheegayaan in kursigiisa loo xiray Maxamedweli C/llaahi Sheekh oo ah qurba-jooh reer Australia.

Fahad wuxuu doonayaa hanashada Xildhibaanimo iyo hanashada jagada uu hayo Muudey. Labada nin ayaa xulafo ku ahaa dhamaan dhacdooyinkii ka dhacay baarlamaanka 5-tii sano lasoo dhaafay.

Isaga oo gudaha madaarka saxaafada kula hadlaya, Muudey oo ku faanay in aanu "ahayn qof loo handadi karo" ayaa ku goodiyey "in aan la isaga daba hari doonin boobka kursigeyga".

"Kursiga qabiil ayaa iska leh. Sax ma ahan in qof la yiraahdo ma tartami kartid. Sax ma ahan in qof loogu diidey in uu safaro iyada oo laga baqayo in uu tartamo," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Maamulka Koonfur Galbeed ayuu ku eedeeyay in uu ku amray diyaaradda in aysan garoonka kasoo qaadi karin Muudey iyo odayaasha la socota "haddii kale lasoo ridi doono diyaarada".

Eedeymaha daahfurnaan la'aanta iyo boobka kuraasta ayaa si weyn u hareeyay doorashooyinka Soomaaliya, waxaana hogaanka haatan jira lagu eedeeyay in uu hormuud u yahay arrinkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM