Muudey oo shaaciyay Waqtiga codka loo qaadayo Mooshinka Jawaari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa shaaciyay in maalinta berri ah [Arbaco, 4-ta April] loo codeyn doono Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

Muudey ayaa ku wargeliyay dhamaan Xildhibaanada Gollaha Shacabka inay soo xaadiraan Kulanka Berri oo ajandihiisu yahay cod u qaadista Mooshinka kalsooni kala noqoshada laga soo gudbiyay Jawaari bishii lasoo dhaafay.

Go'aanka Muudey ayaa kusoo beegmaya xilli Khilaafka Siyaasadeed ee Gollaha Shacabka uu cirka isku shareeray, islamarkaana uu Jawaari Shir jaraa'id oo uu maanta qabey ku sheegay inuusan xilka iska-casili doonin. Halkan ka akhri warka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa baajiyay sabtidii Kulan Xildhibaanada keenay Mooshinka ku yeelan lahaayeen Xarunta Gollaha Shacabka, isagoo kadib billaabey waan-waan inuu ka dhex sameeyo dhinacyada Khilaafka.

Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa shalay kulan ay ku yeesheen Muqdisho kasoo saarey qodobo ay uga digayaan qabsoomida Kulanka Arbacada, iyagoo sheegay in Xukuumadda ay qaadi doono mas'uuliyadda dhibatdii ka dhalata Kulanka la iclaamiyay.

Waxay Xildhibaanadu wacad ku mareen inay difaaci doonaan Jawaari, islamarkaana ay kahor-tagi doonaan duulaan ay sheegeen in Xukuumadda Khayre kusoo qaadey Gollaha Shacabka. Halkan ka akhri Warbixinta.

Khilaafka jira ayaa gaarey meel khatar ah, iyadoo ay mara-dhali waayeen isku-dayo iyo dhex-dhexaadin la sameeyay, oo Gudigii Aqalka Sare u magaacabay xalintiisa ay dhawaan gacmaha ka taagteen, waxaana la ogeyn halka uu ku biyo shuban doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM