Muudey oo Shaqa joojin ku sameeyay Xoghayaha Gollaha Shacabka [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka, Cabdiweli Muudey ayaa shaqa-joojin ku sameeyay Xoghayihii Baarlamaanka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Muudey ayaa lagu sheegay sababta shaqa-joojinta loogu sameeyay Xoghaye Cabdikariin Buux ay yahay inuu faraha lasoo galay Khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Gollaha Shacabka, kuna xad-gudbay Sharciga Shaqaalaha dowladda.

Cabdikariin Buux wali kama uusan hadlin sida uu u arko shaqa-joojinta uu ku sameeyay Cabdiweli Muudey.

Xilka waxaa si KMG ah loogu magacaabay Maxamed Cabdullaahi Cabdi Ciyoow, oo ah ku xigeenka Xoghayaha shaqada laga joojiyay Cabdikariin Buux oo wararku ay sheegayaan inuu yahay shaqsi ku dhaw Jawaari.

Cabdiweli Muudey, ku xigeenka 1aad ee Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garwadeen ka ah Mooshinka la doonayo in Xilka looga qaado Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, gudoomiyaha Gollaha Shacabka.

Shaqo-joojinta xoghayaha Guud ee Gollaha Shacabka Cabdi Kariin Buux ayaa kusoo beegmaysa xilli uu socdo dedaallo uu wado Madaxweyne Farmaajo oo lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada iska soo horjeeda. Halkan ka akhri. 

HOOS KA AKHRI DIGREETADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM