Turki ku dhaawacantay qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho

Image
Kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Afar qof Turki ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay waddada dhinaceeda gudaha Muqdisho Khamiistii, sida ay sheegeen illo dhanka caafimaadka ah. Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Hodan.

Kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda weerarkan. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali wax fahfaahin ah ka bixin.

Qoraal ay ku faafisay mareegga ay ku leedahay internet-ka ayay maleyshiyadda ku sheegtay in "howlgalkan uu qeyb ka yahay weeraradda ay ku beegsaneyso ajaaniibta kusoo duulay dalka".

Sarkaal ka tirsan safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa u sheegay Garowe Online in ay "heleen warka ku saabsan weerarka lala eegtay muwaadiniinta Turkiga waxaana uga falcelin doonaa sida ugu macquulsan waqtiga ku haboon".

27/01/2021, ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, ruux kalana wuu ku dhaawacmay qarax ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye kaasoo lala eegtay gaariga shirkadda dhistey jidka Muqdisho iyo Afgooye.

01/02/2021, hal muwaadin Turki ah ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye. Shaqsigaas wuxuu kamid ahaa Injineeradda dhistay wadada isku xirta labadan magaalo.

Turkiga ayaa cilaaqaad dhow la leh maamulka waqtiga ka dhamaadey ee Farmaajo kaasoo baaq ku ah xafiiska iyadda oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey shan sano kahor kuna fashilmay daadihinta doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM