Muwaadiniin u dhashay India oo "lahaysteyaal ku noqdey Muqdisho"

Image

NEW DELHI, India – Soddon iyo saddex muwaadiniin u dhashay India kuwaasoo u shaqeyayey shirkadda SOM Steel Limited ee fadhigeedu yahay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu waramay in ay haysto xaalad adag.

Mareegga Live Hindustan ayaa wariyey in howlwadeenadan qandaraaska la galay shirkadda 1-dii Janaayo ee sanadkan ay yihiin "lahaysteyaal" laga jartay cunada iyo korontada aysana helin wax mushahar ah bilooyinkii u dambeeyay.

Qoysaskooda ku nool gudaha waddanka Hindiya ayaa, sidda ku xusan warbixin, waxay u direen sawirro iyo muuqaal muujinaya xaaladooda qalafsan.

Guddiga xuquuqul insaanka India oo la xiriiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas waxay u xaqiijisay in ay xorriyadooda heli doonan dhowaan.

Sidda ku cad warbixinta uu daabacay boggan, shaqaalahan oo kaliya mushahar qaatay laba bilood ayay shirkadda ka hor istaagtay in ay safraan isla markaana kala wareegtay baasaboorkooda, waxayna ula dhaqantay si fool xun.

Safaaradda India ee Nairobi ayaa lagu waramay in ay la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayna kawada xaajoodeen sidii loo dhameyn lahaa xaaladda howlwadeenadan isla markaana dalkooda ugu noqon lahaayeen.

Isku dayo uu warisdaha Garowe Online sameeyay si uu ula xiriiro Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo shirkadda la eedeeyay ma guuleysan.

Cabashooyinka ka imaanaya ajaaniibta ka howlgaleysa waddanka ayaa sanadihii ugu dambeeyay isa soo tarayay. Inta badan dowladda waxay kiisaskooda ku xalisaa daaha gedaashiisa, waxaana laga qariyaa warbaahinta madaxa-banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM