Fahad Yaasiin Daahir oo la kulmay taliyaha sirdoonka Talyaaniga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha hay'adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Talyaaniga ayaa socdaal aan lasii shaacin wuxuu ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Jeneraal Giovanni Caravelli oo kasoo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu la kulmay dhigiisa Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sidda lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee hay'adda sirdoonka Soomaaliya, labada agaasime ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirkooda.

"Taliyaha Siradoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac," ayaa lagu yiri qoraalka.

Hasayeeshee, qoraalka ayaanan lagu caddeynin goorta uu Caravelli yimid iyo ujeedada dhabta ah rr ka dambeysa socdaalkiisa.

Fahad ayaa si dhow wuxuu ula socday soo furashadda haweenaydii Talyaaniga u dhalatay ee Salvia Romano taasoo horaantii sanadkan laga soo badbaadiyey Al-Shabaab.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa warisay in Salvia lagu soo furtey lacag isla markaana wadahadal uu garwadeen ka ahaa Fahad Yaasiin kagu soo daayey haweenaydan Muslimtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM