Muxuu Cawad diiradda ku saarey khudbadiisii Shirka China?

Image

BEIJING - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa ka jeediyay Shirka dalalka Carabta iyo China Khudbad uu uga hadlay dhinacyo kala duwan oo ku saabsan xaaladda dalka.

Ugu horeyn, Wasiir Cawad ayaa ku amaanay dowladda China taageeradeeda dalalka Ururka Jaamacadda Carabta, oo ay Soomaaliya ay kamid tahay.

Wuxuu tilmaamay in China iyo dalalka Carabta uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo ganacsiga ku saleynsan, iyadoo sidoo kale uu mashaariic kala duwan iyo maalgashi xoog leh uu ku sameeyo dalalka Ururkan.

Cawad ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda uu Shirka China uu u leeyahay Soomaaliya, oo ah dal kasoo kabanaya hadda dagaallo qaatey mudo ka badan 20 sano, kaasi oo burbur xoog leh gaarsiiyay kaabiyaasha dhaqaale ee dalka.

Wasiirka ayaa balanqaaday in amaanka maal-gashatadda ay damaanad-qaadi doonto dowladda Soomaaliya oo uu tilmaamay inay horumaro baaxad ah la sameysay dhinacyadda siyaasadda iyo nabad-geliyadda.

"Dowladda Soomaaliya waxaan idin xaqiijinayaa inay diyaar u tahay haatan maal-gashi dhinac kasta, oo dhanka dekadaha, garoomada diyaaraddaha, dhanka xoolaha, Kalluunka, iyo qeybo kale oo badan," ayuu yiri Cawad.

- Xiriirka China iyo Soomaaliya -

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in cilaaqaadka labadda dowladood uu yahay mid soo jiray Kumaan-sano ka hor, isagoona balanqaaday in dowladda hadda jirtay ay diyaar tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas.

"Dalka China wuxuu mashaariic badan uu ka fuliyay meelo badan oo Soomaaliya kamid ah 15 sano ka hor, oo ay kamid tahay Dekadda Berbera, waxaana ay yihiin kuwa wax tar u leh dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Cawad ayaa ku amaanay dowladda China nidaamka Shuuciga ah [Socialism] oo ay tilmaamay inuu yahay mid dadka reer China ay si wayn ugu qanacsan yihiin, islamarkaana faa'ido u leh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa u mahad-celiyay Xi Jinping, Madaxweynaha China sida uu Soomaaliya u garab-taagan yahay, isagoo u balanqaaday inay xoojin doonan cilaaqaadka labadda dhinac.

- Wadahadalada Isreal iyo Dowladaha Carabta -

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo soo hadal-qaaday wadahalo la sheegayo inay dhex-mari doonaan dowladaha Carabta iyo Yahuudda ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ay soo dhaweyneyso arrintaas.

"Wadahadalo siyaasadeed oo dhex-mara Israel iyo dalalka Carabta ayaa waxaa uu noqon karaa xalka ugu wanaagsan oo ay kuwada noolaan karaa Shacabka labada dhinac," ayuu Wasiirka hadalkiisa raaciyay.

Dalalka Carabta iyo Yahuuda ayaa xiriirkooda wuxuu ahaa mid aanan fiicnayn sanadihii udambeeyay, iyadoo arrinta ugu wayn oo ay isku khilaafayn ay ahayd dhibaatada Israel u geysaneyso Shacabka Falastiin.

Ugu dambeyn, Cawad ayaa Wang Yi, oo ah La-taliyaha Geeska Afrika iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda China, uga mahad-cel-celiyay in Soomaaliya uu 2018 ku marti-qaaday shirkaan, isagoo ku amaanay shaqadda "wax ku oolka ah ee uu hayo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM