Muxuu ka aaminsanyahay Xasan Daahir Aweys ururka Al Saaciduuna Bil Xaq?

Image

MUQDISHU, Somalia- Xasan Daahir Aweys oo kasoo mid noqday ururradii Islaamiga ahaa ee ka jiray Somalia, hadana ku jira gacanta dowladda Somalia oo loo haysto inuu xiriir la leeyahay Argagixisada ayaa ka hadlay mabda’a kooxda la magac-baxday Al Saaciduuna Bil Xaq ee fadhigeedu yahay dalka Masar.

Aweys oo muuqaal qarsoodi ah looga soo duubay halka lagu hayo, ayaa si faah faahsan u sharaxay afkaarta kooxdan isagoo ku tilmaamay koox halis ah oo aaminsan in iyaga kaliya yihiin Islaam iyo dad ku toosan wada xaqa ah.

Wuxuu sheegay inay yihiin dad lunsan oo muddo is-qarinayay, balse afkaartoodu tahay mid aad u fog, wuxuuna mar uu ka hadlayay Astaamahooda sheegay inaysan dadka wax la cunin, salaamin, saaladdana la tukan, wixii kasoo harana ay yihiin Gaalo.

Hogaamiye kooxeedkan hore ayaa sidoo kale tilmaamay in marar badan ay doodeen dad ku jira ururkan oo la sheego in horay loo oran jiray Takfiir.

“Aniga kooxdan si fiican ayaan u aqaana, marar badan ayaan doodnay, waxaana ay aaminsanyihiin inay yihiin dadka haysta caqiiqada toosan, balse way lunsanyihiin xaqiiqdii,” Sidaas waxaa sheegay Xasan Daahir Aweys.

Ninkan ku jira gacanta dowladda Somalia, ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay qisooyinkii uu kala kulma ayuu sheegay,” Maalin maalmaha kamid ah waxaan is-raacnay nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud, waxay ila tahay waa mubaax in magacooda la sheego waayo iyagaa is-cadeeyay, waan isa soo raacnay saalad ayaa la adimay, waa la aqimay, waxaana la galay saaladii, balse isaga iyo koox kale waxay ku xirteen meel gooni ah, markii aan weydiiyay sababta iyo waxa jameecada loo gali waayay, wuxuu si cad iigu yiri dadkaas waa dhunsanyihiin, ninkaas wuxuu soo daliishanayay aayado Qur’aan oo runtii fasiraado la qaloociyay.”

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay Mar uu lasii dooday mid kamid ah kooxdaas inuu ku yir, ”Wallaahi xitaa dadka Xaramka ku tukunaya inaan la tukanayn ayuu igu mid kamid ah raggaas, Markaan sababta weydiiyayna wuxuu yiri; anaa garanaya waxay ku kufriyeen.”

Xasan Daahir, ayaase soo jeediyay in wadiiqo aan dagaal ahayn loo maro fikirka kooxdan aaminsantahay isagoo soo jeediyay in doodo lala sameeyo oo la isku dayo in laga shaafiyo fikradaha khaldan ee ay qabaan, sida uu hadalka u yiri.

Wuxuu sheegay in fikirkoodu yahay mid Qaldan oo halis ku ah diinta Islaamka.

Hadalkan Xasan Daahir, ayaa kusoo aaday xilli ay taagantahay doodda la xariirta fikir Al Saaciduuna Bil Xaq oo laga taageeray meelo kamid ah Somalia, waxaana baaqyo kasoo baxay dowladda dhexe, maamullada dalka iyo Culimaduba ka digeen in lagu kadsoomo fikirkooda lunsan, halka iyago ku doodayaan inay hanuun u wadaan muslimiinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM