Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri jidadka xiran ee Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo saarey amar uu ku bixiyay in la furo wadooyinka Muqdisho, oo maalmihii ugu dambeeyay ay xireen Ciidamada amniga.

"Waxaan farayaa hay'adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo," ayuu lagu yiri Madaxweynaha qoraal lasoo dhigay Boggiisa Twitter-ka.

Hadalka Farmaajo ayaa yimid kadib markii shacabka reer Muqdisho ay cawasho ka muujiyeen xirnaashaha wadooyinka, maadaama ay ku jiraan diyaar-garowga Munaasabadda Ciidul-Fidriga, islamarkaana aysan awoodin inay meelaha gaar tagaan.

Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa waxay ku amartay ciidamada Xasilinta Caasimada inay xiraan guud ahaan wadooyinka Muqdisho, taasoo saameysay isu-socodka Gaadiid iyo dadweynaha.

Warar uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa waxay qeexayaan in talaabada Wasaarada uu ka dambeeyay markii Hay'addaha Sirdoonka ee Ajaaniibta ah ee dala jooga ay u gudbiyeen digniino ku aadan in Al-Shabaab ay qorsheynayso weeraro argagaxiso.

Digniinta ayaa waxaa lagu muujiyay inay jiraan Baabuuro qaraxyo saaran iyo weeraro qorsheysan ay Al-Shabaab doonayaa inay ka fuliyaan caasimada 10-ka dambe ee bisha Ramadaan, kuwaasi oo macquul tahay in lagu bartilmaameedsado Xaruumaha dowladda iyo Hoteelada caanka ah.

Tan iyo markii uu bilowday Soonka Al-Shabaab wax weerar oo qarax ah ma aysan ka fulin Muqdiho, taasoo madaxa qaar ee dowlada ku faaneen, balse, dilalka qorsheysan ayaa tus-bax afka furtay noqday.

Inta ka badan 50 qof ayaa laga wariyay in lagu dilay Muqdisho tan iyo markii la galay bisha Ramadaan, iyagoona dadka la beegsaday ay isugu jiraan, Askar, Shacab, Shaqaale dowladeed iyo masuuliyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM