Muxuu Turkiga u baraa luuqadiisa ciidamada uu u tababaro Soomaaliya?

Image

ANKARA, Turkey – Siyaasadda Turkiga ee ku wajahan dhismaha ciidamo xoog leh oo ay yeesheen dalalka xulafada la ah ayaa meelaha ay ka shaqeysay waxaa kamid ah Soomaaliya, sidda ay lagu daabacay bogga The Jamestown Foundation.

Ankara ayaa Muqdisho waxay u tababartay ciidamo kumaandoos ah kuwaasoo fuliya howlgalo gaar ah oo isugu jira la dagaalanka argagixisadda, xasilinta magaalooyinka iyo boolis ka qeyb-qaata dhaqan-gelinta sarreynta sharciga.

Askarta ayaa isugu jirta qaar lagu tababaro gudaha dalka gaar ahaan Saldhiga weyn ee Turkiga ka hirgeliyey duleedka magaala madaxda Muqdisho iyo tirro kale oo dibadda. Ma cadda farqiga u dhaxeeya labada tababar oo ay qaataan.

Sidda ku xusan warbixinta The Jamestown Foundation, askarta casharadda ay tababarka ku qaataan waxaa barashadda luuqadda Turkiga, waxaana ay kari karaan in ay xataa ku dhaartaa sidda luuqadooda hooyo ee Soomaaliya.

Qormadda ayaa lagu sheegay in tani ay qeyb ka tahay qorshaha Turkiga uu ku wajahayo loolanka juquraafi-siyaasadeed ee kaga imaanaya wadamada qaar.

Saxaafadda Turkiga ayaa warisay in loolankaas uu kaga imaanayo dalal Carbeed iyo reer Galbeedka kuwaasoo raba in ay hoos u dhigaan ama ay meesha ka aaraan yoolka Ankara ee ah soo celinta Khilaafadii Cusmaaniyiinta.

Xerada Turkiga ka hirgeliyey duleedka Muqdisho ayaa lagu waramay in dhismaheeda ay ku baxdey 50 milyan oo Doolar, waxaana qeybaha ay ka kooban tahay kamid ah garoomo cayaaro, barkad lagu dabaasho iyo aad dabrid.

Sidda ay qeexayaan warbixinadda qaar, saldhigaan ayaa ah midka ugu weyn oo Turkiga ku leeyahay meel ka baxsan waddankiisa guud ahaan caalamka.

Turkiga oo saameyntiisa Soomaaliya ay xoogeysatay wixii ka dambeeyay 2011-kii xilligaas oo Recep Tayib Erdogan uu yimid iyaddoo dalka ka jirto macluul daran ayaa Muqdisho ku leh safaaradda ugu weyn uu ku leeyahay dunida oo dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM