Muxuu yahay ujeedka safarka Wasiir Cawad ee China?

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu gaaray magaaladda Beijing ee caasimadda dalweynaha China.

Wafdiga Wasiir Axmed Ciise Cawad uu hogaaminayo ayaa waxaa soo dhawayn kadib ay dagayn Hoteel si gaar ah loo diyaariyay, halkaasoo ay maalmo kusii sugnaan doonaan.

Sida uu ogaaday Warsidaha Garowe Online ujeedka safarka Wasiirka wuxuu yahay ka qeybgalka Shir lagu magacaabo Arab States Cooperation Forum (CASCF), kaasoo maanta furmi doona.

Madaxweynaha China, ee Xi Jinping ayaa kasoo qeybgali doona shirkaan, kaasoo diiradda lagu saarayo xiriirka China kala dhaxeeyo dalalka Carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Shirkaan oo ah midkii 8aad tan iyo markii la aas-aasay ayaa waxaa kasoo qeybgala Wasiiro arrimo dibaddeedyadda dalalka Carabta, iyagoo markii ugu horeysay la qabtay 14-sano ka hor.

Wadashaqeyn fiican, oo ku saabsan arrimaha dhaqaalaha, iyo xiriirka ayaa kamid ah Ajandayaasha u degsan in kulankaan lagu faaqido maanta oo Talaaddo ah, oo uu ka furmi doono caasimada China.

Labadii sano mar ayaa la qabtaan shirkaan, iyo marka ay jirto xaaald lama huraan ah, iyadoo dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay kamid noqotay dalalka lagu casuumay sanadkaan.

Sikastaba, Wafdiga wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa wuxuu kasoo kicitamay caasimada dalka Uganda ee Kampala, halkaasoo uu kula soo kulmay Wasiirka arrimo dibadeedka xukuumada Kampala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Natiijo horey loo saadaalinayay oo kasoo baxday doorashadii Galmudug

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ayaa horey u muujiyay walaac ku saabsan hannaanka doorashada.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 07:25PM

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Dib u Celiyay Baasaboorka Kenya

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Jibriil bishii Juun laga celiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee Nairobi.

  • Soomaliya

    03-08-2026

  • 02:08PM