Muxuu yahay dalabka Musharixiinta ee Rooble fulin la'yahay?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharixiinta Mucaaradka ayaa shirar isdaba-joog ah ku leh Muqdisho maalmahan, iyagoo la filayo inay soo saareen war-murtiyeed ku saabsan tallaabooyinka ay qaadi doonaan, kadib markii doorashadda ay u dhici waysay si lagu qanacsan yahay.

Waxay dhawaan kulan guud oo maalin dhan qaatey la yeesheen Rooble, oo ay u gudbiyeen dalab culus, oo ah in la joojiyo doorashadda socoto, lana qabto shirweyne ay kasoo qeybgalayaan Maamulada, Dowladda Dhexe, Musharixiinta, Bulshadda Rayidka iyo Beesha Caalamka.

Rooble ayaa ku adkaatey fulinta dalabkan, balse si uu u qanciyo Mucaaradka wuxuu shir aaladda ZOOM-ka kula yeeshay Madaxda maamullada, iyo Gudiyadda doorashooyinka, oo kala hadlay hufnaanta doorashadda.

Musharixiinta kuma qancin tallaabada Rooble, oo ahayd midii iyagu rabeen, waxayna ku dhawaaqeen inaysan aqbali doonin doorashadda natiijadeeda, taasoo keentay walaac cusub oo laga muujinayo in diidmada ay dhaliso dagaal ka dhaca Muqdisho.

Rooble oo wali aan u madax-banaaneyn go'aannada uu qaato, ayaa wajahaya caqabado culus oo uga imaanaya doorashadda, oo sida la sheegay laga leexiyay hanaankii lagu heshiiyay Sep 17, ee ahaa in si daah-furan loo qabto, tartankuna noqodo mid loo siman yahay.

Lama oga tallaabada xigta ee Musharixiinta qaadi doonaan, mar hadii doorashadda ay qaadaceen oo Rooble ku eedeeyeen inuu qeyb ka yahay mushkiladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM